Falastiin oo dalbaneysa xubinnimo buuxda

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Falastiin

Madaxweynaha Falasntiin Maxamuud Cabbaas ayaa xaqiijiyay in uu weydiisan doono Golaha Ammaanka xubinimo buuxda toddobaadka soo socda.

Khudbad qaran oo telefishinka uu ka jeediyay isaga oo jooga Ramalah ayaa Mr Cabaas waxa uu sheegay in Golaha ammaanka ee QM inuu ka dalban doono dowladnimada Falastiin oo ku saleysan xuduudihii 1967., laakiin waxa uu ka digay in falastiiniyiintu aanay filan in ay qarka u saaran yihiin inay noqdaan waddan madax banaan.

Wareysi ay BBC siisay haweeneyda Mareykanka Danjiraha uga ah Qaramada Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in arrinta Falastiiniyiintu ay ku doonayaan xubinimada buuxda ay tahay mid dib u dhac ku ah wada hadal dhab ah oo dhexmara iyaga iyo Israel.

Daanta Galbeed ayaa waxa mudaharaad isugu soo baxay Falastiiniyiin ka soo horjeeda arrintaasi.