Mucaaradka oo dib uga gurtay Bani Walid

Lahaanshaha sawirka AFP

Xoogaga la dagaalamaya Colonel Gaddafi ayaa dib isku uruursanayay kadib markii Jimcihii ay ku guuldaraysteen isku day ay doonayeen in ay ku qabsadaan magaalooyinka ugu dambeeyay ee ay ku xoog badan yihiin taageerayaasha Colonel Gaddafi ee Bani Walid iyo Sirte.

Wali ma kala cadda in ay maanta qorshaynayaan weerar kale.

Jimcihii ayaa xoogaga Gaddafi la dagaalamaya ay dib uga soo gurteen magaalada Sirte iyo Bani Walid kadib markii ciidamada daacadda u ah Gaddafi ay ku soo weerareen gantaallo iyo hoobiyayaal.

Weriyayaasha ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horaysay ee xoogaga ka horjeeda kuwa Gaddafi ay u muuqdeen wax kala daadsan iyadoo ay carar kaga soo baxeen magaalada.

Waxaa sii kordhaya walwalka laga qabo kumanaan rayid ah oo la rumaysan yahay in aysan haysan cunto badan, biyo iyo korontaba.