Tarsan: Uma oggolaaneyno inay u gudbaan Shabaab

Image caption Duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta sheegay in maamulkiisa aanu u ogolaan doonin shaqaalaha ajnabiga ah ee hey'adaha gargaarka in ay u gudbaan deegaanada iyo gobollada ay maamulaan xarakada al-Shabaab.

Gudoomiyaha oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa goaankiisan sabab uga dhigay in ay la xiriirto ammaanka shaqaalaha samafalka ee ajnabiga ah isaga oo intaasi raaciayay in ay hey'adaha samafalka ee doonaya in ay mucaawino u gudbiyaan dhulka al-Shabaab ay adeegsadaan NGO-yada maxalliga kuwaas oo u gudbiya gargaarka ay ugu talo galeen dadka Soomaalida.

Labo maalin ka hor ayaa ciidamada dowladda ee ex kontorool Afgooye jooga waxa ay ka horjoogsadeen samafalayaal Turki ah in ay u gudbaan dhanka gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayaan Alshabab waxana sidoo kale ciidanka nabadsugidda DKMG ah ay waqti kooban xabsiga u taxaabeen 12-kii bishan labo nin oo Turkish ah oo u shaqeynayay ururka samafalka ee IHH oo fadhigiisu yahay dalka Turkiga kuwaas oo raashiin gargaar ah gaarsiiyay 1500 qoys oo deggan deegaanka KM 50 ee gobolka Shabeelada hoose.

Dowladda KMG ah ayaa hadda waxa ay gacanta ku heysaa dhamaan caasimadda Muqdisho marka laga reebo xaafado kooban, hase yeeshee Xarakada Alshabab ayaa waxa ay ka taliyaan badi gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ah meelaha ay ku dhufatay abaaarta ugu ba'an.