Masar oo doorashooyin qabaneysa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweyne Xusni Mubarak waxa loo heystaa inuu amray dilka dad mudaharaadayay

Waxaa soo baxaya faahfaahinta qaabka ay u dhici doonto doorashada waddanka Masar, markii ugu horeysay tan iyo markii awoodda laga tuuray Madaxweyne Xusni Mubarak, kadib markii uu 30 sano waddanka talada u hayay.

Cod bixinta ayaa loo qaban doonaa saddex heer, taasi oo midda ugu horeysa ay dhacayso 21 November, laakiin wali wax war ah lagam soo saarin taariikhda doorashada madaxtinimada , taasi oo an la fileyn ka hor bisha March ama April ee sanadka soo socda.

Saraakiisha doorashooyinka ayaa waxa ay kala hadlayaan Golaha militeri ee hadda talada haya qorshahan, waxaana lagu dhawaaqi doonaa go'aanka toddobaad gudihiii.