Labaatan ku dhimatay Sanca

Dadka mudaaharaadaya ee ka soo horjeeda madaxweynaha Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dadka mudaaharaadaya ee ka soo horjeeda madaxweynaha Cali Cabdalla Saalax

Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in iska horimaad uu dhexmarayo taageerayaasha Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax iyo mucaaradka.

In kabadn labaatan qof ayaa ku dhintay maanta magaalo madaxada Sanca, diyaaradaha milatariga ayaa magaalada kormaraya.

Saddex qof ayaa ku dhintay magaalada Taciz.

Ciidamada daacada u ah dowladda ayaa xabado ku riday meelo ay fadhiyaan ciidamo ku biiray mucaaradka. Telefishinka dowladda ayaa ku eedeeyay ciidamada mucaaradka inay isbitaal xabado ku rideen