Bannaanbaxyo ku baahay Yemen

Yemen Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Yemen

Bannaanbaxyo ayaa ka billowday dalka Yemen oo dhan, iyada oo isku dhciii caasimadda, Sanca, uu halkii ka sii socdo.

Laba ka tirsan dadka ku bannaan baxay dowladda ayaa ku dhintay teendho uga dhisnayd fagaaraha magaalada ugu weyn ka dib markii madfac ku soo dhacay.

Bannaanbaxyadu waxay ka dheceen, Sanca, Tais iyo magaalooyin kaleba.

Dadku waxay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah dalalka ka tirsan Iskaashiga Khaliijka iyo Sucuudiga oo ay leeyihiin waxay taageeraan Madaxweyne, Cali Cabdallah Saalax.

Isniintiiayaa ergooyin ka socda dalalka Khaliijka iyo Qaramada Midoobay ay tageen Sanca, laakiin kuma guuleysan in ay xabbad joojin sameeyaan.