Dibad baxyo lagu taageerayo Falastiin

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamoud Cabaas Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamoud Cabaas, falastiin ayaa doonaysa in Jerusalem ay noqoto magaalo madaxdooda

Kumanyaal Falastiiniyiin ayaa ku qabanaya dibad bax Daanta Galbeed si ay u taageeraan codsashada Falastiiniyiinta ay kaga doonayso Qaramada Midoobay inay ku noqoto waddan.

Iskuuladii iyo xafiisyadii dowladda ayaa la xiray si ay dadka u soo baxaan.

Magaalada Ramalah oo ah xarunta dowladda falastiiniyiinta, ayaa dibad baxa laga dhigay si dabaaldeg ah.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamamoud Cabas, ayaa warqada codsashada aqoonsiga Falastiin u gudbin doona Qaramada Midoobay Jimcaha.