Putin oo u tartamaya Madaxweynaha Ruushka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mr Putin waxa uu horey laba jeer u noqday Madaxweynaha Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Dmitry Medvedev ayaa sheegay in Raiisul wasaaraha hadda xilka haya, Vladimir Putin, uu u tartami doono Madaxweyne doorashada 2012.

Hadalkan ayaa waxa uu kaga dhawaaqay shirweynaha xisbiga United Russia, waxaana arrintan ay timid bilooyin la saadaalinayay cidda u tartami doonta madaxtinimada.

Mr Putin ayaa horey laba xilli Madaxweyne uga soo noqday Ruushka ka hor Mr Medvedev intii aanu awoodda qaban sanadkii 2008.