Cali Cabdalla Saalax oo ku laabtay Sanca

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Cali Cabdalla Saalax waxa la dhaawacay bishii June

Madaxweynaha waddanka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa dib ugu laabtay dalkiisa kadib in ka badan saddex bilood oo laga daweynayay dhaawac ka soo gaaray isku day lagu doonayay in lagu dilo.

Weriyayaasha ayaa sheegaya inay arrintan tahay mid la yaab leh, suurta galna ay tahay inay rabshado dheeraad ah ka dhacaan caasimadda Sanca, halkaasi oo in ka badan 100 ay toddobaadkan oo kaliya ay ku dhinteen.

Wararka ka imanaya magaalada Sanca ayaa sheegaya in madaafiic iyo rasaas laga maqlayay xalay iyo saakaba magaalada.

Isku soo bax balaaran ayaa maanta ay qorsheynayaan taageerayaasha iyo kuwa ka soo horjeedaba.

Madaxweynaha ayaa lagu daweynayaydalka Sacuudi Carabiya ilaa bishii June kadib markii weerar bam laguq aaday xaruntiisa.

Waxa uu iska caabiyay bilooyin mudaharaadyo looga soo horjeeday, kuwaasi oo lagu dalbanayay inuu xilka isaga dago.