Dagaal Gobolka Gedo

Shiish barasho
Image caption Shiish barasho

Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in ay la wareegeen meel 12 km u jirta magaalada garba Haarreey, ka dib markii uu dagaal ka dhacay.

Goobtaas, waxaa awal gacanta ku hayay al Shabaab.

Waa goobaha yar ee ay ka taliso Dowladda Soomaaliya ee ka baxsan caasimadda.

Goobtaas ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin tobannaan kun oo ah dad ku bara kacay macluusha ka jirta Koofurta Soomaaliya.

Garba Haarreey waxay ka tirsan tahay gobolka Gedo, waana gobol soohdin la leh dalka Kenya.