Jarmalka oo ansixiyay lacagta (EFSF)

Baarlamaanka Jarmalka iyo Raiisalwasaare Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Baarlamaanka Jarmalka iyo Raiisalwasaare Angela Merkel

Baarlamaanka Jarmalka ayaa ansixiyay barnaamish lacag lagu taageerayo waddamada Yurub ee uu qatarta ku jiro dhaqaalahooda.

In kabadan shan boqol iyo labaatan ayaa u codeeyay barnaamishka halka siddeetan iyo shan ay ka soo horjeesteen.

Barnaamishkan oo layiraah European Financial Stability Facility (EFSF), ayaa lacagtiisa oo hadda dhan 440 bilyan oo Euro la kordhin doonaa oo laga dhigi doonaa 780 bilyan oo Euro iyo iyadoo awood badan la siin doono, oo lagu caawiyo dowladaha yurub ee aan daymaha iska bixin karin sida Gariiga. Wali lacagtan kuma filna dalalka iyo bangiyada in daymo deg deg ah la siiyo

Barnaamishka ayaa wali waxaa ka dhiman inay ansixiyaan baarlamaanada wadamada kale ee Yurub.

Gariiga waxaa lagu leeyahay lacag dhan 485 bilyan dollar.