Dhoobleey waa laga qaxay

Shabaab
Image caption Shabaab

Shabaab ayaa xalay weerar ku soo qaaday Dhoobleey, oo ku taal soohdinta Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in ay saaka waaberigii ka qabsadeen ciidankii halkaa fadhiyay oo taabacsan Dowladda Soomaaliya.

Laakiin ciidanka dowladda taabacsan waxay sheegayaan in ay dib u qabsadeen magaalada.

Ugu yaraan 7 nin ayay qiran yihiin in laga dilay ciidanka dowladdu.

Waxaa kale oo dhaawac 40 ruux kor u dhaafay ay geeyeen dhinaca Kenya ee soohdinta.

Dad fara badan ayaa magaalada ka qaxay oo u tallaabay Kenya.

Waxay dadkaasi hadda ku sugan yihiin Liboi.

Arrintani dadka degaanka iyo labada ciidan ee diriraya ka sokow, waxay saameyn ku yeelan kartaa qaxootiga tabaalleysan ee ka soo hayaamay Koofurta Soomaaliya ee damacsan in ay u gudbaan Kenya.

Isgaarsiintii magaaladu hawada ayay ka maqan tahay.