Britain iyo France oo ka digaya xeebaha Kenya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Askari Kenyan ah oo ku sugan goobta afduubku ka dhacay

Dowladaha Britain iyo Faransiiska ayaa kordhiyay digniinta ay siinayaan dadka u dhashay dalalkooda, oo ay uga digayaan inta badan xeebaha gobolka waqooyi ee Kenya.

Digniinta ayaa timid kadib markii haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo curyaan ah shalay lagu afduubay meel u dhaw jasiiradda Lamu ee lagu raaxeeysto, iyada oo looq aaday dhinaca Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxa uu ahaa kii labaad muddo saddex toddobaad gudahood ah. Waxaa dhawaan lagu weeraray xeebaha Kenya lamaane dalxiis ahaa oo u dhashay iyaguna Britain midna la dilay David Tebbutt xaaskiisina la afduubay.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dalxiisayaal wata doomaha dheereeya

Weriyaha BBC ee bariga Afrika ayaa sheegaya in afduubkan uu u eg yahay farsamo cusub oo burcadda Soomaalidu isticmaalayaan, waxaana waxyeello culus ay u geysaneysaa dalxiiska Lamu, oo ah meesha ugu weyn ee dadka deegaanku dakhliga ka helaan.