Haweeney Faransiis ah oo lagu afduubay Kenya

Lahaanshaha sawirka online
Image caption Lamu

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in haweeney Faransiis ah laga afduubay xeebaha Kenya oo loo kaxeeyay dhinaca dalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta Kenya waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah dadka afduubay haweeneyda lagu dhaawacay is rasaaseyn xalay dhacday, markii ilaalada xeebaha iyo helikobtaro ay hareereeyeen doontii lagu siday.

Haweeneyda Faransiiska ah oo lixdameeyo jirta, isla markaana naafo ah ayaa waxa ay joogtay deegaanka lagu raaxeysto ee Lamu.

Saddex toddobaad ka hor ayaa nin British ahaa David Tebbutt lagu dilay xeebaha Kenya, xaaskiisi Judith iyana la afduubay oo loola gudbay dhinaca Soomaaliya, halkaasi oo weli lagu hayo.