Soomaali lagu Maxkamadeeyay Mareykanka

Waaxda Garsoorka Mareykanka
Image caption Waaxda Garsoorka Mareykanka

Laba haween ah oo Mareykan ah asalkooduna ka soo jeedo Somalia, ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada minneapolis ee dalka Mareykanka.

Laakiin Amina Farah Ali Maxkamdda dhexdeeda ayaa lagu katiinadeeyay, ka dibna laga saaray qolka ka dib markii ay diidday in ay u istaagto Garsooraha Maxkamadda.

Qareenka Amina, waxaa uu sheegay in ay diinteed u diidday in ay istaagto Garsooraha.

Amina Farah Ali iyo Hawo Maxamed Xasan waxay ku eedeysan yihiin in ay malaayiin doollar u ururiyeen koox ka dagaallameysa Soomaaliya.

Isla dalka Mareykanka, Maxkamad ku taal Norfolk oo ku taalla Virginia, ayaa xabsi daa'in ku xukuntay Muhdin Salad Omar, oo ah Soomaali.

Waxaa lagu xukumay kaalintii uu ku lahaa afduubka doon kuwa tamashalaha ah, oo afar ruux oo Mareykan ahna lagu dilay.

Doonta oo laga soo af duubay meel Cumaan (oman) koofur uga beegan, waxaa afartii ruux ee Mareykanka ee saarnaa la dilay dhowr maalmood ka dib, markii la soo af duubay.

11 nin oo kiiskan loo soo qabtay, Omar waa kii saddexaad ee la xukumo, isla maanta iyo berrina waxaa la xukumi doonaa saddex kale.