Laanqeyrta Cas oo bilawday cunto qaybin

Dadka ka soo qaxay abaarta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka ka soo qaxay abaarta

Hayadda caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa bilowday inay u qaybiso cunto gargaar in ka badan hal milyan oo qof, oo ay saamaysay abaaraha meelo aan helin gargaar.

Baabuur waawayn ayaa ka bixi doona Muqdisho iyagoo gaari doona meelaha ay ka taliyaan Alshabaab.

Bisha Cas ayaa sheegtay inay tahay howshii ugu waynayd ee ay hadda ka qabato adduunka, ayna wadaxaajood dhib badan la gashay Alshabaab. Miro beero iyo bacrimin ayaa la siin doonaa rubac malyuun beeralay ah inay abuurtaan beerahooda.