Turkiga oo qaadaya dhaawaca qaraxa

Dowladda Turkiga Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dowladda Turkiga ayaa ka caawinaysa Soomaaliya mashruucyo maalgalin iyo horumarineed oo badan sida deeqo waxbarasho

Sida ay sheegtay, Wakaalada Wararka ee dalka Turkegia ee Anatolia, Ra'iisala Wasaaraha Turkigu, Madax-Weynaha Soomaaliya, waxaa ay maanta ku heshiiyeen in dadka ku dhawaacmay qaraxii Muqdisho, dalka Turkiga loo qaado oo halkaas lagu soo dhaweeyo.

Ra'iisal Wasaaraha Turkigu Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu telefoon u diray Madax-weyne Sharif Sheekh Ahmed, waxaanu uga tacasiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii shalay ka dhacay magalaada Muqdisho ee ay dadka badani ku dhinteen.

Waxaanay Labada Hogaamiye ku heshiiyeen in 30 qof oo qaraxaas ku dhaawacmay loo qaado xagga dalka Turkiga oo halkaas lagu soo daweeyo.

Dayuurad Turkigu leedahay ayaa u duuli-doonta Muqdisho si ay dadkaas dhaawaca ah u soo qaado.