Alaha u naxariisto Faadumo Qaasim

Faadumo Qaasim Lahaanshaha sawirka other
Image caption Faadumo Qaasim oo ah fanaand caan ah ayaa maanta ku geeriyootay London

Faadumo Qaasim Hilowle ayaa xalay ku geeriyootay London. Faadumo waa fannaanad caan ah oo Soomaaliyeed. Waxay ka tirsananaan jirtay Waaberi.

Waxaa dhalay Abwaankii caanka ahaa Hilowle Qaasim, oo ahaa abwaan qeyb weyn ka soo qaatay halgankii gobannimo doonka.

Faadumo waxay iyaduna ka mid ahayd fannaaniinta ugu waaweyn ee Soomaaliya, codkeedana si aad ah ayaa loo jeclaa.

Waxay ahayd, marwo iyo hooyo.

Waxay dhashay Fadumo carruur iyaguna ah xiddigo fanka xag music garaacid iyo xag heesba la jecel yahay.