Saddex haween ah oo helay Nobel Peace Prize

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee sanadkan ayaa waxa la siiyay si wadajir ah saddex dumar ah.

Haweenkaasi waxa ay kala yihiin Madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, Haweeney kale oo Liberia u dhalatay, Leymah Gbowee, iyo Tawakkul Karman oo u ololeysa xuquuqda aadanaha oo u dhalatay Yemen.

Guddiga abaalmarinta ayaa sheegay in saddexdooda ay u qalmaan inay wada qeybsadaan abaalmarinta sababtoo ah halganka aan rabshada wadan ee ay u galeen xuquuqda dumarka.

Ms Johnson Sirleaf waa qofkii dumar ah ee ugu horeeyay ee Africa loo doorto xafiiska Madaxweynaha, waxa ay galaysaa doorasho toddobaadka soo socda oo mar kale ay tartamayso.

Leymah Gbowee waxay abaabushay koox haween ah inay ka soo horjeestaan dagaal ooggayaashii Liberia.

Tawakkul Karman waxa ay hogaamisaa koox xuquuqda aadanaha u doodda waddanka Yemen oo lagu magacaabo, Haweenka Suxufiyiinta ah ee aan gacmaha ka xirneyn.

Waxa ay ugu yeertay abaalmarinteeda guul u soo hoyatay dadka ku hawlan mudaharaadyada looga soo horjeedo dowladda Yemen.