Dagaallo ka soo cusboonaaday Muqdisho

AU troops
Image caption Ciidanka Midowga Afrika ee Muqdisho

Lix qof ayaa ku dhintay in ka badan toban kale-na way ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay agagaaraha isbitaal Keysaney oo qiyaastii 20 kilomitir u jira bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

weriyeyaashu waxay sheegayaan in hawl hawl galkani uu qayb ka yahay qorshe lagu doonayo in dagaalyahannada islaamiga ah ee xarakada al Shabaab lagaga saaro duleedyada magaalada, waxayna u egtahay in xoogagga dowladdu ay horumar ka sameynayaan dagaalkan oo ay dhul qabsanayaan.

Dad goobjoog ahaa waxay sheegeen inay arkeen labo ka mid ah gawaarida ciidammada Midowga Afrika oo dhaawac gaaray oo goobta dagaalka laga jiidayo.