Madaxweynaha Yemen oo sheegay inuu xukunka ka degayo

Yemen president Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweynaha Yemen, Cali Cabdalla

Khudbad uu u jeediyay dadka daacadda u ah xisbigiisa oo televisionka qaranka laga siidaayay, madaxweyne Saalax waxaa uu ku sheegay inuusan xukun baahi u qabin.

Wasiir kuxigeenka warfaafintuna waxaa uu BBC-da u sheegay inuusan madaxweynuhu xukunka isku sii adkayn doonin. Hase ahaatee marar badan ayuu hore u sameeyay ballanqaadyo noocan oo kale ah taas oo keentay in hadda shaki xoog leh lagu soo dhoweeyo hadalladiisan ugu dambeeyay.

Haweeneyda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee dalka Yemen, Tawakkul Karman, oo Jimcihii la guddoonsiiyay abaalgudka nabadda ee Nobel, waxay durbadiiba sheegtay in mucaaradku aanu rumaysanayn hadalka madaxweynaha. Waxaana uu Madaxweyne Saalax mar kale caddeeyay hadalkiisa isagoo sheegay inuusan doonayn inuu isu-casilo si ay awoodda ula wareegaan qaabiilkiisa xoogga badan iyo milateriga isaga ka soo horjeeda.