Dagaal culus oo ka socda Sirte

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalka magaalada Sirte

Ciidamada maamulka KMG ah ee dalka Libya ayaa dib u soo cusbooneysiiyay weerarkii ay ku hayeen bartamaha magaalada Sirte - oo ah mid ka mid ah meelaha ay weli ku xooggan yihiin xoogagga taageersan Qadaafi.

Taliyayaasha ciidanka ayaa sheegaya in joogaan meelihii ay qabsadeen jimcihii - laakiin ay sugayaan weerar cusub oo taangiyo iyo artileri loo isticmaalayo oo lagu qaadi doono degmooyinka weli ku jira gacanta kuwa daacadda u ah Qadaafi.

Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 qof la dilay, qaar kale oo badana la dhaawacay tan iyo markii ciidamada ka soo horjeeda Qadaafi ay weerarka kama dambeysta ah ku qaadeen Sirte.

Qaar ka mid ah dadka deggan magaalada oo ay u suurtagashay ay ka soo baxaan markii dagaalku qaboobay ayaa dhibaatadooda ka waramay.