Yulia Tymoshenko oo lagu xukumay toddobo sanno

Raiisalwasaarihii hore ee Ukrain Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Raiisalwasaarihii hore ee Ukrain Yulia Tymoshenko

Raiisalwasaarihii hore ee Ukrain Yulia Tymoshenko ayaa lagu xukumay toddobo sano oo xarig ah ka dib markii garsoore uu ku helay danbi in Yulia Tymoshenko ay awoodeedii raiisalwasaarenimo ay ka gudubtay markii ay la saxiixday heshiis gaas shirkada NaftoGas ee dalka Ruushka sanadkii 2009kii.

Garsooraha ayaa sheegay inay Mrs Tymoshenko ay sharciga jabisay ayna waddanka Ukrain ka qasaarisay lacag ku dhow laba boqol oo milyan oo Dollar.

Waxaa jiray rabshado ka dhashay maxkamada agteeda oo u dhaxeeyay boliiska iyo taageerayaasha Yulia Tymoshenko.

Yulia Tymoshenko ayaa sheegtay inay is difaaci doonto wax walba oo ka soo baxagoaanka maxkamada.