Maraykanka oo cadaadis saaraya Iran

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Eric Holder ayaa ku dhawaaqay qorshaha lagu dili rabay safiirka Sacuudiga ee Maraykanka

Maraykanka ayaa ku soo rogay cuna qabatayn madaxda sare ee ka tirsan ilaalada kacaanka Iran wuxuuna ugu baaqay waddamada kale inay cuna qabateeyaan Iran.

Talaabadan ayaa ka danbaysay markii Maraykanka uu sheegay inuu maxkamad saarayo laba nin oo reer Iran ah oo qorshaynayay inay dilaan safiirka Sacuusiga ee Maraykanka, iyadoo ay bomb ku qarxinayaan maqaayad.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Eric Holder ayaa sheegay in dilka ay soo qaban qaabisay Iran.

Tehraan ayaa beenisay eedeynta iyadoo ku sheegtay been la soo abaabulay iyo dacaayad dagaal.

Maraykanka ayaa sheegay inaysan ka fikirayn inay qaadaan talaabo milatari.