Dagaalka Sirte oo sii xoogaystay

Dagaalka Sirte Lahaanshaha sawirka l
Image caption Magaalada Sirte ayaa wada burburtay ka dib markii ay dagaallo ka socdeen toddobaadyo

Dagaalyaniiinta golaha kumeel gaarka ee qaranka Libya (NTC) ayaa hub culus gaynaya magaalada Sirte ee uu Colonel Qadafi ka yimid.

Wariyaha BBCda ayaa sheegay in dhismaha magaalada ay wada burbureen ama ay qayb burbreen, taasoo ka dhigtay magaalada meel aan lagu noolaan karin waqti dheer.

Taliye ka tirsan golaha ku meelgaarka ayaa beeniyay warar sheegaya in la qabtay wiilka Qadafi ee Mutassim oo ahaa lataliyaha Qadafi ee arrimaha ammmaanka.