Shaqaalle MSF oo laga afduubay Dhadhaab

MSF dhaqaatiirta aann xuduuda lahayn Lahaanshaha sawirka AP
Image caption MSF ayaa ku leh isbitaalada ugu wayn ee lagu daaweeyo dadka qaxootiga

Niman hubaysan ayaa afduubay laba shaqaalle ajnabi ah oo ka shaqeeya xerada Dhadhaab ee Kenya.

Afhayeenka boliiska ayaa sheegay in labada Shaqaale ay u dhasheen dalka Spain ayna u shaqaynayeen Dhaqaatiirta aan soohdinta lahayn ee MSF.

MSF ayaa sheegtay in darawalkoodii oo Kenyan ahaa la dhaawacy. Qoorta ayaa xabbad looga dhuftay.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku jira boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaalka iyo abaarta Soomaaliya.

Boliiska ayaa sheegay in nimanka afduubay shaqaalaha lagu raadinayo baabuur iyo Diyaarado.