Banaanbaxyo ka dhacaya caalamka

Banaanbaxyo looga soo horjeedo hunguri weynida iyo qaab xun u maamulidda bangiyada iyo hey'adaha waaweyn ee dhaqaalada adduunka ayaa waxa maalintii labaad ay ka kala dhacayaan caalamka oo dhan.

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay jidadka magaalooyinka waaweyn ee Yurub kuwaasi oo ay dhiirigeliyen dadka muddo toddobaadjyo ah ku banaanbaxayay xarunta Ganacsiga New York ee Wall Street.

Dadka banaanbaxaya ayaa qaarkood waaga ugu baryay banaanka iyaga oo teendhooyin ka sameystay halkaasi, isla markaana ka dalbanaya siyaasiyiintu inay wax ka qabtaan dhibaatada.

Banaanbaxyada ayaa markii hore waxa ay ka bilowdeen dalalka ku yaal gobolka Asia-Pacific, oo ay ku jiraan New Zealand, Australia, Japan iyo Hong Kong.