Shaqaalaha Samafalka oo aan shaqo tagin

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaxooti Soomaali ah oo ku sugan xeryaha Kenya

Hey'addaha samafalka ee ka hawlgala xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaan saaka shaqo tagin, taasi waxa ay ka danbeysay markii shalay la afduubay laba shaqaale ah oo ka tirsan heyadda MSF.

Niman hubaysan ayaa afduubay shaqaalaha oo afhayeenka boliiska Kenya uu sheegay inay u dhasheen dalka Spain ayna u shaqaynayeen Dhaqaatiirta aan soohdinta lahayn ee MSF.

MSF ayaa sheegtay in darawalkoodii oo Kenyan ahaa la dhaawacay. Qoorta ayaa xabbad looga dhuftay.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku jira boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaalka iyo abaarta Soomaaliya.