Kenya oo sheegtay inay gudbi doonto soohdinta

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda militeriga ay diyaar u yihiin inay ka gudbaan soohdinta Soomaaliya iyaga oo ku daba jooga kooxda afduubtay shaqaalaha ajnabiga.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya, George Saitoti, ayaa sheegay in ciidanku daba geli doono xubnaha kooxda islaamiga ah ee al-Shabaab, meel walba oo ay joogaan.

Mar sii horeysay Qaramada Midoobay hey'adeeda qaxootiga UNHCR ayaa joojisay hawlihii ay ka waday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, kadib markii laba qof oo shaqaalaha samafalka ka tirsanaa oo u dhashay Spain la afduubay Khamiistii.

Al-Shabaab waa ay beenisay inay masuul ka tahay arrintan.

Labada qof oo ah haween u shaqeynayay hey'adda MSF oo laga afduubay soohdinta meel u dhaw ayaa la aaminsan yahay in loo qaaday dhinaca Soomaaliya.