Ciidamada Kenya oo galay Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidamada Kenya oo ku sugan magaalada Liboi

Ciidamada dowladda Kenya ayaa ka gudbay soohdinta oo galay gudaha Soomaaliya iyaga oo daba socda kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab.

Kooxda al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay afduubyadii dhawaan ka dhacay Kenya ee dhawr qof oo ajnabi ah lagu afduubay.

Qof goob joog ah ayaa BBC u sheegay inuu arkay 25 baabuurta askarta ciidamada Kenya, oo wata hubka culus ee artileriga oo ka gudbaya soohdinta.

Laba qof oo u dhashay Spain oo u shaqeynayay hey'adda samafalka MSF ayaa toddobaadkii hore laga afduubay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Al-Shabaab waa ay beenisay inay wax lug ah ku leedahay afduubkaasi.

Laba dumar ah oo kale oo u kala dhashay Faransiika iyo Britain ayaa iyaguna dhawaan laga afduubay xeebta Lamu ee Kenya, kuwaasi oo la aaminsan yahay in dhinaca Soomaaliya loo kaxeeyay.