Dadka UK oo £72 million u uruuriyay abaaraha

Brendon Paddy
Image caption Brendon Paddy, madaxa warbaahinta ee DEC.

Kadib boqol maalmood markii guddiga masiibooyinka xaaladda degdega ah ee DEC ayaa baaq u jeediyeen dadwaynaha Britain in ay u gargaaraan dadka dhibaatadu ka soo gaartay abaaraha bariga africa waxaa ka soo xerooday ilaa £72 million oo ah isku darka tii sadexaad ee ugu saraysay muddo 45 sano ah ee hay'adana ay jirtay.

Waxaa DEC ku midoobay ilaa 14 hay'ado gargaar oo kuwa ugu waawayn ka ah dalkan UK oo ay ka mid yihiin Red Cross, Save the Children iyo Oxfarm.

Madaxa dhinaca warbaahinta ee hay'ada oo u waramay Cabdiraxmaan Koronto ayaa sheegay in doorka DEC uu yahay in ay marka masiibo ballaaran dibedda ka dhacdo ay warbaahinta ka sii daayeen baaq wadajir ah kadibna xubnaha ururku ay mas'uul ka yihiin sidii gargaarka loo diri lahaa.

DEC, ayaa sanadka ay tahay tii sadexaad ee abid ay uruuriso, waxaa lacagta kaliya ee ka badan uu sheegay Brendon Paddy in la uruuriyay sanadihii 2004 iyo 2010 ee masiibooyinkii dhul-gariirka Tsunami iyo dhulgariirkii Haiti.

Madaxa warbaahinta hay'adda DEC ayaa yiri:

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

"Waxaan si xoog leh ugu faraxsan nahay in aan East Africa u uruurinay ilaa £72 million oo giniga istarliinka ah oo bariga Africa loogu talogalay. Waa lacag badan. Waxay ka mid tahay lacagaha ugu badnaa ee waligeen aan uruurinno baaq gargaar. Hadii aad daacad u hadlona waxaan moodaynay in ay adkaanayso in xilligaan lacag badan la uruuriyo bariga Africa. Mararka qaar way adag tahay, gaar ahaanna marka goobta uu dagaal ka jiro in dadka lacag laga qaado, Laakiin markanna aad ayay lacag ugu deeqeen." Brendon Paddy.

Brendon Paddy, ayaan waydiiyay sida ay ugu suurtagashay in lacagtan badan la uruuriyo hadii markii hore ay filayeen in lacag badan la uruuriyo in ay adkaan doonto.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xeryaha qaxootiga Dhadhaab

"tan ugu wayn ee loogu guulaystay waxay ila tahay in ay tahay sida warbaahinta dalkan ay uga hadashay oo aad u xoog badnayd. Dad badan ayaa masiibada ka war helay. Waxay arkeen in dadku ay nolosha qarkeeda joogaan, oo ay jiraan waxyaabo yar oo aan gacan ka gaysan karno in aan ku caawinno si ay u noolaadaan. Marka taas ayaa isbadalka wayn u sabab ah iyo sidoo kale sidaan filayo dadka UK in ay yara garanayaan qaybta dunida ka midka ah. Waxay xiriir taariikhi ah ee xilligii gumaysiga ay la leeyihiin dalka Kenya, waxay aqoon u leeyihiin Ethiopia, siiba gargaarkii Life Aid ee labaatan sano ka hor. Marka inkastoo fahamkooda uusan sii buurnayn ugu yaraan aqoon yar way u leeyihiin."

Waxaa kaloo madaxa isgaarsiinta DEC uu iiga warama in ay wax walwal ah ka qabaan sida gargaarku u gaaro dadka dhibaataysan gaar ahaanna dhinaca amniga.

Brendon Paddy: "markasta amniga waa qodob jira mar walba oo dhibaato jirto ama mar walba oo dad ay qaxaan. Dadka ugu nugal ayaa badanaa ku guryo beela. Waxa ugu daran ayaa ah ammanka qaxootiga iyo dadka ku qaxa gudaha dalalkooda. Mar walba waa wax laga walwalo. Sidoo kale walwal waan ka qabnaa ammaana saaxiibadeeda shaqaalaha gargaarka si loo xaqiijiyo badqabkooda si ay u qabsan karaan howshooda si wanaagsan. Sida cad xaaladda Soomaaliya aad bay u adag tahay. Ethiopia iyo Kenya way ka yara xasiloon yihiin. Balse arrimo laga walwalo ayaa ka dhacay Kenya. Dhamaan hay'aduhu waxay eegi doonaan qorshahooda si ay u xaqiijiyaan in ay ugu howlgalaan qaab ay ku gaari karaan kuwa ugu baahida badan, isla markaana u ogolaata in ay u shaqeeyaan si badbaado leh."