Maxaabiista Falastiin iyo Israel

Dadka reer Falastiin Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dadka reer Falastiin oo sugaya eheladooda la soo daynayo

Saacadihii ugu dambeeyey wasaarada difaaca ee Israel ayaa waxay xaqiijisay in askerigeeda Gilat Shalit uu ku suganyahay Israel. Askerigaan waxa afduub loogu haystay Gaza in ka badan shan sanno.

Siideyntiisa waxa ay qeyb ka ahayd maxabiis ay kala wareejisteen Israel iyo Xamas, waxaana xabsiyadda Israel laga siidaayey boqolaal maxabiis ah oo Xamaas ka tirsanaa.

Gilad Shalit waxa uu haatan bixiyey waraysigii ugu horeeye oo uu siiyey telefishen Israelna waxay sheegtaya in caafimaadkiisu wannaagsanyahay.

Dad goob joog ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maxabiistii Xamas ee la siidaayey bilaabeen in ay u gudbaan dhinaca Gaza.

Xamas ayaa horaantii ku wareejisay Gilad Shalita dhaxdhaxaadiyaal reer Masa ah. Qoyska Askerigan ayaa sugaya in ay la kulmaan markii ugu horeysay shan sanno ka dib. In ka badan shan boqol iyo Konton kale oo dheeri ah labad bilood ee soo socota arrintaas oo qeyb ka ah heshiika ay galeen Israel iyo Xamaas.