Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qarax ka dhacay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Qaraxa ayaa ka dhacay wasaarada Arrimaha Dibadda agteeda

Qof ayaa baabuur isku qarxiyay Muqdisho wasaarada arrimaha dibadda agteeda. Waxaa dhintay ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay, kow iyo toban kalena waa dhaawacmeen.

Weerarka ayaa yimid iyadoo wasiirada arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga ee Kenya ay wadahadalo kula lahaayeen dowladda Somaaliya Villa Somaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya soo galay axadii si ay ula dagaalamaan Alshabaab oo ay ku eedeeyeen Afduubka dadka ajnabiga.

Ciidamada Kenya oo taageeraya ciidamo Soomaali ah ayaa u sii socdo Magaalada Afmadow.