Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya: Waa inaan jabinaa Al Shabaab

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Askarta Kenya ee xuduuda

Ciidamada dalka Kenya waxaa ay ku sii durkayaan gudaha Degaanno ku yaala dhinaca Koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyago raadsanaya Xoogaga Ururka Al-Shabaab oo ay dawladda Kenya ku eedaysay in ay dad Shisheeye ah ka-af-duubeen dalka Kenya gudihiisa.

Hawl-galka Ciidamada Kenya waxaa uu bilaamay maalintii Axada. Afhayeen u hadlay milatariga Kenya waxaa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u jari lahaayeen awooda kooxda Al Shabaab, wuxuu yiri waxaynu doonaynaa in Al Shabaab aan u diidno xoriyadda ay waxa ay doonaan ku sameyna karaan.

Waxaana maanta soo baxay war sheegayey in Haweenay Farnsiis ah oo curyaan ah oo bishi hore la af-duubay oo la sheegay in mintidiin Soomali ahi ay Af-duubeen oo ay la tageen dalka Soomaaliya in ay geeriyootey

Ururka Al-Shabab wuu beeniyey in ay Haweenaydaas Af-duubeen.