Marie Dedieu ayaa dhimatay

Marie Dedieu waxay ahayd cuuryaan lagu wado kursi Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Marie Dedieu waxay ahayd cuuryaan lagu wado kursi

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa sheegtay in ay geeriyootay Marie Dedieu, oo ahayad faransiis niman aan la garaneyn ay ka afduubeen Kenya.

Marie Dedieu oo u dhalatay Faransiis waa 60 jir weyn axanuunsanayd marka la afduubay, waxaana la aamminsan yahay in lagu hayay gudaha dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Dibadda Faransiisku waxay sheegtay in ay qiyaaseyso in Marie Dedieu loo diiday in ay qaadato daawadii ay Faransiisku u direen.

Toddobaadyadii na dhaafay ayaa Kenya waxaa ka dhacay dhowr af duub.

Waxaa ugu horreysay haweeyeny British ah oo laga af duubay xeebta Kenya, iyada markii la af duubayay ninkeediina lagu dilay goobta. Waxay wararka qaar sheegayaan in lagu hayo Soomaaliya gudaheeda.

Waxaa xigtay Marie Dedieu.

Ka dibna laba haween ah oo ka tirsanaa shaqaalaha hey'adda gargaarka MSF ee xeryaha Dhadhaab ayaa la afduubay.

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay weerarradan, laakiin Shabaab wey beenisay.

Kenya waxay sheegatay in ciidankeedu ay u tallaabeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku daba jira al Shabaab.

Weerarradni waxay weji gabax ku yihiin dowladda Kenya, oo dalkeeda gudihiisa laga afduubayao dad ajnebi ah.

Isla markaasna arrintaasi waxay dhaawac ku tahay dalxiiska oo ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Kenya.

Dowladda Britain ayaa ka mid ah dowladaha dadkooda uga digay socdaalka Kenya.