Dagaal ka socda Dayniile iyo Jubada Hoose

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay dagaal saaka ka bilowday degmada Deyniile kaas oo u dhaxeeye ciidamada DKMG oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo kuwa Al Shabaab, waxaa sidoo kale dagaalkaas lagu soo warmayaa in ay ku dhaawacmeen kuw dhawaad 30 kale.

Degmada Deyniile ayaa ka mid ah deegaanada ugu danbeeyay ee ay Alshabab gacanta ku hayaan gobolka Banaadir

Jubada Hoose

Dagaal culus ayaa ka socda inta u dhaxaysa Afmadow iyo Qooqaani, iyadoo saakayna lala wareegay magaalada Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Qabashada Raaskambooni waxaa BBCda u xaqiiyay Shiiq Axmed Maxadmed Islaan oo hada ku sugan oo hogaaminaaya ciidanka magaalada qabsaday.