Qadaafi oo lagu aasayo meel sir ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qadaafi waxa lagu dilay magaalada Sirte oo ah halkii uu ku dhashay

Maamulka KMG ah ee waddanka Libya ayaa sheegay in meydka Qadaafi lagu aasi doono meel qarsoodi ah, oo ay suurtagal tahay in maantaba la aaso.

Waxaa weli jira suaalo ku saabsan sida uu u dhintay Qadaafi.

Waxaa jira sawirro muujinaya hogaamiyaha hore oo nool oo dhiig uu ka da'ayo, kadib markii lagu qabtay magaaladii uu ku dhashay ee Sirte.

Waxaa laga soo saaray dhuun kuwa wasakhda qaadda, kadib markii baabuur kolonyo ah oo isagu lahaa NATO garaacday.

Weriyaha BBC ayaa sheegaya in Colonel Qadaafi suaalo badan oo ku saabsan ay soo baxayaan geeridiisii.

Dowladda KMG ah ee Libya waxa ay beenisay in la dilay.

Dabaaldeg ayaa ka socday ilaa xalay meelo badan oo dalka Libya ah.