Amiirkii dhaxalka Sacuudiga oo geeriyooday

Image caption Amiir Sultan waxa uu lahaa dhaxalka boqortooyada Sacuudiga

Amiirkii lahaa dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Amiir Sultan ayaa geeriyooday. Geeridiisa saaka arroortii ayaa looga dhawaaqay magaalada Riyaad.

Amiir Sultan oo jiray siddeetan iyo wax la jira ayaa ahaa qofka dhaxli lahaa boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla, waxaana muddo sanado ah hayay cudurka kansarka

Waxaa loo maleynayaa inuu ku geeriyooday dalka Mareykanka halkaasi oo loogu qaaday in lagu daweeyo.

Geeridiisa waxa ay keeneysaa markale suaasha ah goorma iyo sidee ayaa boqornimada loogu wareejinayaa jiilka amiirada da'da ah ee sacuudiga oo dalka soo xukumayay ilaa 1950s.