Mareykanka oo ka digaya weerarro ka dhaca Nairobi

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidamada Kenya waxa ay galeen Soomaaliya toddobaadkii hore

Safaaradda Mareykanka ee ku taal Nairobi ayaa ka digtay wax ay ku tilmaantay halis weerarro ku soo fool leh Kenya, oo ay suurtagal tahay in lagu qaado dadka ajnabiga ah.

Hadalkan ayaa soo baxay toddobaad kadib markii ciidamada militeriga Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay wadaan hawlgal ay kula dagaallamayaan al-Shabaab.

Safaaradda Mareykanku waxay sheegtay inay suurtagal tahay in weerarro aargoosi ah in lala bartilmaameedsan karo meelaha muhiimka ah ee Kenya iyo goobaha dadka ajnabiga ah lagu yaqaan inay isugu yimaadaan, sida dukaamada waaweyn iyo meelaha lagu caweeyo.

Hawlgalka milteri ee Kenya ayaa waxa uu ka danbeeyay markii dhawr qof laga afduubay gudaha Kenya, kuwaasi oo Nairobi ay ku eedeeysay kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.

al-Shabaab waa ay beennisay inay wax lug ah ku leedahay afduubka dadkaasi ajnabiga ah.