Madaxweyne "Raalli kama ihin in ciidan dalka iska soo galo"

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed
Image caption Madaxweyne Shariif

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, ayaa ku tilmaamay in aan dowladda iyo shacabka Soomaaliya raalli ka ahayn soo gelitaanka ciidammada Kenya.

Madaxweunaha oo ka hadlayay degmada Dayniile, oo dhowaan ay dagaallo culus ay ka dheceen, ayaa waxaa uu sheegay in ciidammada AMISOM ay iyagu ku joogaan rabitaanka dowladda Soomaaliya iyo sharciyad ay ka heleen Qaramada Midoobay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay oo kale, in waxyaabo uu dhibsaday uu kala hadlay dowladda Kenya.

Kenya waxay hore u sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay hawlgalkan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in Kenya ay iska kaashadaan xagga ammaanka, wuxuuna uga mahad celiyay in ay Sommaaliya u taba bartay ciidan.

Laakiin, ayuu yiri, ciidanka Soomaaliyeed ayaa ku filan in ay hawsha qabtaan.

Madaxweynaha waxay ku qaadatay muddo ka badan toddobaad in uu wax ka yiraahdo ciidan shisheeye oo dalka soo galay, isla markaana sheegtay in ay ku yimaadeen codsiga dowladda Somomaliya.