Doorashada Tunisia

Safaf dhaadheer ayay u galeen dadka reer Tunisia doorashada
Image caption Safaf dhaadheer ayay u galeen dadka reer Tunisia doorashada

Tirintii codadka ayaa wali socota dalka Tunisia kadib doorashdii barlamanka shalay.

Baarlamaanka ayaa dooran doona madaxweyne kumeel gaar ah iyo inay sameeyaan dastuur cusub oo aan dhamaystirnayn.

Dowladda Tunisia ayaa sheegtay in sagaashan boqolkiiba dadka diiwaangashan inay codeeyaan.

Doorashada Tunisia ayaa ah tii ugu horaysy ee ka dhacda dalalka carabta ee ay ka bilaabmeen kacdoonka.

Xisbiga islaamiga ee Ennahda ayaa la filayaa inuu helo codadka ugu badan laakiin uusan heli doonin codad ku filan oo uu ku hogaamiyo kuraasta baarlamaanka ee labada boqol iyo toddobo iyo toban kursi.