In ka badan 200 ka badan ayaa ku dhimatay Turkey

Shaqaalaha gargaarka ayaa shaqaynayay xalay oo dhan
Image caption Shaqaalaha gargaarka ayaa shaqaynayay xalay oo dhan

In ka badan laba boqol oo qof ayaa ku dhintay dhul gariir ka dhacay Turkey, dhaawaca ayaa ka badan kun, iyadoo dad badana la la yahay.

Shaqaalaha gargaarka ayaa waday howshoodii xalay oo dhan si ay u helaan dad ku xayiran burburka.

mashiinnada dhismaha ayaa qaaday burburka waawayn ee dhismayaasha dadka deegaankana waxay ku gurayeen burburka badeel.

Kumanyaal qof ayaa seexday dibadda xalay iyadoo uu jiro qabow badan.

Ururka Bisha Cas ee Turkey ayaa sheegay inuu u baahan yahay hoy badan oo ay dadka siiyaan.

Magaalada Van iyo Ercis ayaa ahaa meelihii aad ay u saamaysay dhul gariirka.