Sharciyada burcadda

Burcad la tuhunsan yahay Lahaanshaha sawirka other
Image caption Burcad la tuhunsan yahay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guubaabiyay in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay ansixiyaan sharciyo burcadda looga hortago.

Go'aan uu golaha isku wada raacay ayaa ku baaqaya in wadamada ay burcadnimada ka dhigaan danbi sharciyada wadankooda.

Go'aanka ayaa sidoo kale xooga saaray in loo baahan yahay in maxkamad burcadda u qaas ah laga sameeyo Soomaaliya iyo bariga Afrika.

Hayadda caalamiga ee badmaaxyada ayaa sheegtay in ilaa hadda weerarada burcadda sanadkan uu kordhay labaatan boqolkiiba marka la bar bar dhigo sanadkii hore.