Heshiiska Yurub ee dhibaatada daymaha

Lacagta Euro Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Lacagta Euro iyo dhaqaalaha Yurub ayaa qatar ku jira hadaan la xalin daymaha

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa ku dhawaaqay in hogaamiyayaasha shirka Brussels ee dalalka Yurub ay gaareen heshiis lagu xalinayo dhibaatooyinka daymaha Yurub.

Madaxweyne Sarkozy ayaa sheegay in bangiyada gaarka loo leeyahay ee daymaha ku leh Gariiga ay aqbali doonaan qasaaro dhan konton boqolkiiba taasoo yaraynaysa daynta lagu leeyahay dalka Gariiga ilaa 140 bilyan oo dollar.

Mr Sarkozy wuxuu sheegay in in hogaamiyayaasha Yurub ay ku heshiiyeen in la kordhiyo habka kaydka lacagta lagu siinayo daymaha degdega dalalka Yurub oo laga dhigo 1.4 trillion oo dollar.

Wuxuu sheegay in lacagtan la kordhinayo ay diyaar noqonayso bisha November.

Bangiyada ayaa sidoo kale lagu qasbi dooonaa inay haystaan lacag dheeraad oo ah oo kayd ah si ay uga badbaadaan markii qasaaro uga yimaado daymaha ay ku leyihiin dalalka daymaha iska bixin waayo.