Afar lagu dilay Mandeera

Ciidanka Kenya ayaa  galay Soomaaliya laba toddobaad ka hor Lahaanshaha sawirka internet
Image caption Ciidanka Kenya ayaa galay Soomaaliya laba toddobaad ka hor

Niman hubaysan ayaa dilay afar qof weerar lagu qaaday meel u dhow xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Dadka dhintay ayaa ku jiray baabuur degmada Mandheera waxaana ku dhacay baabuurka bombooyinka qoryaha laga tuuro.

Gudoomiye iskuul iyo shaqaale dowladda hoose ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Waxaa jira shaki laga qabo in weerarka ay ka danbaysay AlShabaab hubka la isticmaalay awgeed.

Al Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerar ku qaadayso Kenya, kadib markii Kenya ay ciidamo u dirtay Soomaaliya laba toddobaad ka hor markii dad ajnabi laga afduubay dalkeeda.