Dayaraado Mareykan oo ka kacaya Ethiopia

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dayaaradaha Mareykanka ee aanay cidina wadin

Ciidamada militeriga Mareykanka ayaa bilaabay inay ka soo duuliyaan diyaaradaha sahanka ee aan cidina wadin dalka Ethiopia, iyaga oo kordhinaya dagaalka lagula jiro Islaamiyiinta mindtidka ah ee Soomaaliya.

Dayaaradahan aanay cidina wadin ayaa ka soo kacaya saldhig ku yaalla magaalada dhinaca koonfurta Ethiopia ku taal ee Arba Minch.

Saraakiisha Mareykanka ayaa BBC u sheegay in sida ay Ethiopia xasaasiga uga tahay in aanay hubeysneyn, oo loo isticmaalayo oo keliya inay sahmiyaan.

Dayaaradaha hubeysan ee Mareykanka ee aanay cidina wadin waxa ay ka hawlgalaan Djibouti oo ah halka keliya ee ay Mareykanku ku leeyihiin saldhig militeri oo joogta ah qaaradda Afrika.