Maxkmadda caalamiga oo la xiriirtay Saif al-Islam

Image caption Saif al-Islam Gaddafi

Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka ayaa sheegay in wiilka uu dhalay Colonel Qaddaafi ee Saif al-Islam, uu beeniyay dacwadaha loo heysto ee ah inuu galay dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada intii uu socday dagaalkii Libya.

Dacwad oogaha -- Luis Moreno Ocampo -- ayaa sheegay in Saif al-Islam uu ku adkeystay in aanu wax dambi ah lahayn, isaga oo xiriir aan toos ahayn la sameeyay maxkamadda.

Waxaa sidoo kale uu doonayaa ayuu yiri inuu ogaado waxa ku dhici kara haddii wax danbi ah laguw aayo.

Si kastaba ha ahaatee Mr Moreno Ocampo waxa uu sheegay inuu ka cabsi qabo in Saif al-Islam uu go'aansado inuusan is dhiibin oo uu isku dayo inuu u baxsado dal saaxiib la ah isaga oo gacan ka helaya calooshood u shaqeystayaal.