Qaraxyo iyo dagaal ka dhacay Muqdisho

Image caption Shabaab

Dagaal ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku dhexmaray ciidamada Midowga Afrika iyo xoogagga xarakada Shabaab.

Dagaalka ayaa ayaa bilowday kadib markii al-Shabaab ay laba weerar oo is qarxin ah ku qaaday meel fariisin u ahayd ciidanka AMISOM oo ku taalla jidka warshadaha ee Muqdisho.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dhimashada ama dhaawaca ay qaraxyada sababeen, laakiin Xarakada Shabaab ayaa waxa ay sheegtay inay dileen 80 ka mid ah ciidamada Midowga Afrika.

Afhayeen u hadlay AMISOM ayaa isna waxa uu sheegay in ay jiraan weerarradaasi lagu soo qaaday saldhiga, ayna kaga dhaawacmeen laba askari.