Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo beenisay inay rayad dishay

Lahaanshaha sawirka internet
Image caption Diyaaradaha dagaalka ee Kenya

Dowladda Kenya ayaa beeneysay eedeymaha ah in ay weerareen dad rayid ah duulaankii cirka ee ay ku qaadeen Magaalada Jilib ee kuunfurta Somaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Kenya Maj Emmanuel Chrchir ayaa sheegay in ay weerarka qadeen, ka dib markii warar sirdoon ah oo ay heleen ay muujinayeen in hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab uu goobtaasi ku sugnaa.

Afhayeenkani ayaa ku adkaystay in Al-Shabaab aysan lahayn dabci ah in ay ku dhex dhuuntaan dadka rayidka ah, taasi oo meesha ka saareysa in weerarkooda ay waxyaabo ka soo gaareen dad rayid ah.