Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waalidiin mustaqbalka carruurtooda ka walaacsan

Image caption Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab

Qaybaha kala duwan ee saxaafadda Maraykanka ayaa si weyn u hadal haya dhallinyarada Somali-American-ka ah ee ku biiray Al-Shabaab kuwaasoo uu u dambeeyey mid toddobaadkii hore isku qarxiyey magaalada Muqdsisho. Haddaba sida ay warbaahinta Maraykanku u buun-buunineyso arrinkan waxaa walwal ka muujinaya waalidiinta dhallinyaradaas ee ku nool Maraykanka.

Abdirizaq Biixi waa afhayeenka waalidiinta ubadkoodu ku maqan yahay Soomaaliya, wuxuuna uga warramay weriyaha BBC, Mohamed Haaji Hussien, dareenka waalidiinta uu isagu ka mid yahay.